Sacuudiga oo dib loo furay Masaajida iyo Nolosha oo caadi ku soo laabatay

General Somali News

Kadib, markii uu Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/Casiis qafiifiyey Bandowgii saarnaa dalkaasi waxaa saakayto dib loo furay in ka badan 90,000 oo Masjid oo ku yaalla dalkaasi.

Waxaa dadka loo oggolaaday in ay geli karaan Masaajidda, marka laga reebo Masaajida ku yaalla magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Masaajida ku yaalla dalkaasi laguma tukanin muddo 74 maalmood, sababo la xiriira Amarka Xayiraadda ee looga hortagayo cuddurka COVID 19 oo ka dilaacay dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Diinta ee Sacuudiga waxaa lagu sheegay in la xadiday dadka ku tukan kara Masaajida, iyadoo dadka la amray in ay dhowraan Kala-fogaanshaha, soo xirtaan Maaskaro, gacmahana ku soo dhaqdaan Jeermis-dile, haddii kale la ganaaxi doono ilaa 10,000 oo Riyaalka dalkaasi.

Dhinaca kale, Shaqooyinka caadiga ee dalkaasi ayaa dib loo bilaabay, iyadoo gaadiidka caadiga iyo Duullimaadyada Gudaha ka hawl bilaabeen Sacuudiga.

Garoomada Ciyaaraha iyo goobaha Jiimka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay sii xirnaan doonaan ilaa amar dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *