Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka hadlay walaaca laga qabo in doorashadu dhib u dhacdo

General Somali News

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021-da.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka,waxaana dib u dhac ku yimid xilliga uu furmayo Kal fadhiga 7 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo lahadlay BBC ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo” ayuu BBC u sheegay maanta oo sabti ah.

“Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha ay leeyihiin waqti loo cayimay sida uu hadalka u dhigay.

“Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Waxaa jira walaac ay qabaan siyaasiyiinta oo salka ku haaya in Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya marka lagaaro horaanta sanadka soo socda ee 2021-da ay sameeyaan Mudo kororsi inkastoo wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya uu shirka Golaha wasiirada ka sheegay in ay u diyaar garoobayaan doorasho dalka ka dhacda.

“Dalkan waa inuu afarti sanaba mar uu doorasho galo, doorasha ay dadka intooda badan isla oggol yihiin , dadka ay quseyso doorashada oo dhan ama badankooda (stakeholders) ay qayb ka yihiin. Doorasha ayaa ka dhici jirtay dalkan waxay doontaba ha ahaatee waana tan na siisay sharciyadda aan ku joogno. Doorasha iney dhacda ayaa ka muhiimsan inta kale” ayuu yiri.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa Muujinaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Khayre aysan isku aragti ahayn arimaha Doorashada Soomaaliya ee Sanadka soo aadan, laga yaabo in Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Doorashadii u dambay ee Soomaaliya ka dhacday dabayaaqadii 2016 iyo horaantii 2017 ayaa waxaa ka qayb qaatay 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, waxaana guulo yar sanadkaasi laga gaaray in la kordhiyo xubnaha ka qayb qaadanaya codaynta inkastoon sanadkaan wali la shaacin qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *