Nin 11 madaxweyne Mareykan ah la soo shaqeeyay oo Carona u dhintay

General Somali News

Nin horay adeege uga ahaan jiray Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, lana soo shaqeeyay 11 madaxweyne oo soo maray waddankaas 50-kii sano ee uu halkaas joogay, ayaa u geeriyooday coronavirus, isagoo ay da’diisu ahayd 91 sano.

Jackie Kennedy, oo horay u soo noqotay marwadii koowaad ee Mareykanka ayaa ku baraarugtay Wilson Roosevelt Jerman, xilli uu ka shaqeynayay nadaafadda Aqalka Cad.

Haweeneydaas oo ahayd xaaska madaxweynihii xilligaas xilka hayay, John F. Kennedy, ayaa dallacsiisay ninkan, markaas wixii ka dambeeyayna wuxuu ahaan jiray adeege.

“Aad ayey uga shaqeysay inay hubiso dallacsiinta,” ayey tiri Jamila Garrett, oo uu awoowe u ahaa Wilson, mar ay la hadleysay warbaahinta Fox 5.

Tobannaan sano kaddib, Mr Jerman waxaa u baroor diiqday xaaska madaxweyne kale oo xilka soo qabtay.

Wuxuu sawir kala soo muuqday Michelle Obama.

Iyadoo geeridiisa ka tacsiyeyneysa, ayey Mrs Obama sheegtay in qoyskeedu uu “nasiib u yeeshay barashada ninkaas”.

“Naxariistiisa iyo daryeelkiisa ayaa Wilson Jerman ku caawiyay inuu muddo tobannaan sano ah la shaqeeyo qoysaska madaxweyneyaasha Mareykanka, oo annaguna aan ku jirno,” ayey Michelle Obama ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay, oo laga sii daayay warbaahinta NBC.

“Adeeggii uu u sameynayay dadka kale – sida uu u rajjeynayay inuu wax kasta u maro qarankan uu aadka u jeclaa iyo dhammaan dadka ay geeridiisa taabatay – ayaa dhaxal u ahaan doona waligiis.”

Wuxuu cudurka coronavirus u geeriyooday dabayaaqada isbuucii lasoo dhaafay.

Xubno ka tirsan qoyska Mr Jerman ayaa sheegay inuusan u dadaalin oo kaliya qoyskii madaxweyne Kennedy, oo Aqalka Cad ku sugnaa intii u dhaxeysay sannadihii 1961-kii ilaa 1963-kii, iyo qoyskii Obama, oo halkaas ku noolaa intii u dhaxeysay 2009-kii ilaa 2017-kii, laakiin dad kalena uu la shaqeeyay intii uu howshiisa ku guda jiray.

Xirfadda shaqo ee Mr Jerman waxay billaabatay sanadkii 1957-kii, xilligaasoo uu maamulka Mareykanka hayay Dwight D. Eisenhower.

Shaqadiisa Aqalka Cad wuxuu kusoo gabagabeeyay qoyska madaxweyne Obama.

Sanadkii 2012-kii ayey idlaatay xirfaddiisii, madaxweyne Obama ayaana markaas ku sharfay xaflado dhowr ah.

Mid ka mid ah munaasabadahaas waxaa ka qeyb galay dad kala matalayay madaxweyneyaashii uu usoo adeegay, sida ay gabadha uu awowga u ahaa ee lagu magacaabo Shanta Taylor Gay u sheegtay telefishinka CNN.

Wuxuu shakhsi aad muhiim ah u yahay dadka diiradda saara barashada taariikhda Mareykanka madow iyo doorarkii ay kusoo lahaayeen siyaasadda.

Sida dadka kale ee ah Mareykanka Madow, gaar ahaan raggii ay isku jiilka ahaayeen, wuxuu muujiyay sharaf intii uu ku guda jiray mid ka mid ah shaqooyinka ay dhifka ahayd in la helo xilligiisii, sida ay sheegtay Koritha Mitchell, oo ka tirsan Jaamacadda gobolka Ohio, waxna ka qortay buug looga sheekeynayo taariikhda Aqalka Cad.

Waxay hoosta ka xarriiqday inuu dabcan ku qanacsanaa qaabkii ay shaqadiisa ugu idlaatay sidii uu ku hamminayay.

Wuxuu shaqada kusoo afjaray Mr Omaba, “oo qudhiisa noqday madaxweyne si weyn loo sharfo oo kasoo jeeda Mareykanka Madow”, ayey tiri, iyadoo intaasna kusii dartay: “Waa khasab inuu arrintaas u arkayay guul weyn oo uu gaaray.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *